Booliska Kenya oo Toogtay Dagaalyahan Ka Tirsanaa Xarakada Al-shabaab

0

Booliiska magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa sheegay in ay dileen ninkii looga raadista badnaa kaa oo katirsanaa Xarakada Al shabaab kadib markii dalka soomaaliya uu dib kaga soo laabtay.

Booliiska dalka Kenya ayaa baaritaano ku hayay tan iyo markii Muhammed Juma Mwamurajji oo 44 jir ah tagay dalka Kenya kaa oo markii la qabanayay lagu helay waxyaabaha qarxa.

howlgalkan lagu baadi goobayay ninkan looga shakisana in uu kamid ahaa dagaalyanada al shabaab ayaa waxaa ka qeyb qaatay saraakiil katirsan ciidanka police-ka dalkaasi ee loogu tala galay ka hor tagida waxa loogu yeero argagixisada.

Booliiska ayaa isku geedaamay goobta uu ku sugnaa kaa oo markii la qabtay isku dayay bomb gacameed in uu ku tuuro saraakiil la socday ciidanka booliiska kaa durbadiib lagu toogtay halkii lagu qabtay.

“Waxaan ku wargelinay laamaha sirdoonka dalka si dhamaan baaritaano loogu sameeyo halka uu daganyahay iyo deegaanada ku teedsan” sidaasi waxa yiri taliye sare oo katirsan booliiska dalk Kenya oo la’hadlay wargeyska the Star ee dalkaasi.

Taliyaha Booliiska dalka Kenya Joseph Boinnet ayaa sheegay in 7 katirsan xarakada al shabab oo ka dhax shaqeeya xuduudaha soomaaliya iyo Kenya in ay baaritaano ku wadaan kuwaa oo uu tilmaamay in weeraro ay ka geysteen gobalka waqooyi bari ee dalkaasi Kenya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here