Madaxweynaha Maamulka Puntland oo Isku shaan-dheyn Ku Sameynaya Golihiisa Wasiirada

0

Madaxweynaha maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas oo haatan ku sugan Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa wada qorshe oo isku shaan-dheyn ugu sameynayo Golihiisa wasiirada.

Madaxweyne C/wali Gaas ayaa la filayaa inuu shaqada ka cayriyo wasiirro badan oo shaqadoodu aad u wanaagsantahay sida aan kasoo xiganayno xogta ku saabsan isku shaan-dhaynta Madaxweynuhu samayn doono maalmaha soo socda.

Madaxweynaha Maamulka Puntland iyo Madaxweyne ku-xigeenka Maamulkaas ayaa haatan kulamo ku leh Magaalada Boosaaso ee Gobolka bari, inkastoo ay isqilaafsan yihiin hadana waxaa la aaminsan yahay in ay kawada hadlayaan sidii isku shaan-dheyn loogu sameeyn lahaa Golaha wasiirada maamulka puntland, oo haatan qaarkooda aysan dalka joogin, qaarna ay iska casileen xilalkii loo magacaabay.

Tallaabadan oo war rasmi ah laga hayn xilliga ay dhici doonto, ayaa wararku sheegayaan in Madaxweynaha Puntland Xilalka ka qaadi doono mas’uuliyiin katirsan xukuumadda halka Jagooyin bannaana Wasiirro cusub usoo magacaabi doono.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here