Ciidamada Puntland oo Xabsiga Dhigay Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka Bari

0

Ciidamada amaanka Maamulka Puntland ayaa xabsiga dhigay Nabadoon C/qaadir Axmed Xarago oo ah afhayeenka odayaasha dhaqanka ee gobolka Bari.

Ciidamada Xariga kula kacay C/qaadir Axmed Xarago oo ah afhayeenka odayaasha dhaqanka ee gobolka Bari ee Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ay jirdil xoogan u geysteen inta aysan xabsiga dhigin.

Nabadoonka oo la hadlay warbaahinta kadib markii uu booqasho ugu tagay 7 dhalinyaro oo dhawaan maamulka Puntland ay ku xukumeen dil Toogasho ah ayuu sheegay in Ciidamada Maamulka in ay jirdil xoogan u geystaan dhalinyaradaas.

Mas’uuliyiin ka Tirsan Puntland aynu la hadalnay ayaa inoo sheegay in Xariga Nabadoonka uu salka ku hayo booqasho uu ku tagay Xabsiga Magaalada Boosaaso oo dhalinyaradaas ay ku xiran yihiin.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here