Dowladda Imaaraadka Carabta oo Doonaysa inay Gacanta Ku Dhigto Maamulka Dekedda Boosaaso.

0

Ilo lagu kalsoonan karo oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay Dowladda Imaaraadka Carabta ay qarka u saaran tahay inay gacanta ku dhigto maamulka dekedda magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Imaaraadka Carabta iyo Maamul Goboleedka Puntland ayaa la sheegay in uu u socday wada-hadal sanado badan qaatay islamarkaana Puntland wada-hadalkaas uu u waday Madaxweyne C/wali Maxamed Cali Gaas.

Heshiiskan ayaa waxaa maamulka dekedda Boosaaso kula wareegi doonta shirkadda Imaaraatiga ee DP World, oo sidoo kale horey u hantisay maamulka dekedda Berbera, taasi oo qalabeyn iyo dayactir ku sameyn doonta dekedda Boosaaso.

Mas’uul ka Tirsan Maamulka Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay In heshiika dekedda magaalada Boosaaso, Uu Madaxweynaha Maamulka Puntland uu ku qaadanayo 15 milyan oo dollar, oo ah lacag aysan shaqo ku lahayn Puntland.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in heshiiska oo saxiixiisa kaliyah ka harsan yahay ayna macquul tahay in aan la marsiinin Xildhibaanda Maamulka Puntland,islamarkaana uu saxiixo Madaxweynaha maamulka Puntland Dr C/wali maxmed Cali Gaas.

Dhawaan Imaaraadka Carabta iyo Xukuumadda Somali-land ayaa ku heshiisyay Saldhiga Magaalada Berbera, maamulka Somali-land ayaa la rumeysan yahay in uu lacago badan ka helayo heshiiskaas la saxiixay.

Dowladda Federaalka Soomaliya ayaan wali ka hadlin heshiisyada Maamul Goboleedyada ay la galayaan Dowladaha Shisheeye.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here