Xasan Shiikh oo Ka Digay Waxyaalo Lagu Dhibaateeyo Dowlada Marka ay Cusub Tahay+Dhageyso

0

Madaxweynihii hore ee Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo maanta ka qeyb galay xafladda Caleema-saarka Madaxweynaha cusub ee Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed(Farmaajo) ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaliyeed iyo Siyaasiyiinta in ay la shaqeyaan dowladda Cusub ee Soomaliya.

Xasan Shiikh waxa uu sheegay in Soomaliya ay haatan yeelatay Dowlad awood badan oo ka tayo wanaagsna kuwii burburka dalka Soo maray, islamArkaana leh labo aqal oo kala ah Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaliya iyo Aqalka Sare.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in dadka Soomaliyeed ay yihiin kuwa aad u jecel Dimuqraariyadda islamarkaana marar badan la isku dayay in dalka laga dhaqan galiyo.

Waxa uu sheegay Xasan Shiikh Maxamuud in sanado badan oo rafaad lasoo maray in Soomaliya ay haatan taagan xiligii quruxdeeda la tusi lahaa caalamka,islamarkaana la muujin lahaa sharafta Soomaliya.

“Soomaalida Cusub ee haatan aan hiigsanayno ee aan maanta ku taaganahay waa Soomaliya aan doonayno in quruxdeeda la tuso Caalamka, Soomaliyada Cusub meel uguma banaana, caambaareyn,Mucaaradid, iyo in la aflagaadeeyo Madaxda iyo Hay’addaha dowladda Soomaliya, Madaxda hala taageero walaalayaal, Soomaliya qof way ka weyn tahay, qof aad neceb tahay ama aad dhibsanayso Soomaliya wax ha ugu dhimin”, ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Dhanka kale Madaxweynihii hore ee Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ugu baaqay dadka Soomaliyeed in wixii qalad ah ay ku arkaan madaxda dowladda Federaalka Soomaliya in ay soo bandhigaan iyadoo loo marayo wadado wanaagsan.