Madaxweynihii Hore ee dowladii KMG aheyd ee Soomaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo kamid ahaa mas’uuliyiin lagu marti qaaday caleema-saarka Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa hambalyo u diray dowladda Cusub ee Soomaliya.
Shiikh Shariif Shiikh Axmed Madaxweynihii Hore ee dowladii KMG aheyd ee Soomaliya ayaa ku amaanay Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamanka Soomaliya sida ay u go’aansadeen in dalka Soomaliya uu is badal ka dhaco islamarkaana hogaanka dalka uu ku guuleysto Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo mar dalka kasoo noqday Raisulwasaare.
Madaxweynihii Hore ee dowladii KMG aheyd ee Soomaliya Shiikh Shariif waxa uu sheegay in uu la shaqeyn doono dowladda Cusub ee Soomaliya islamarkaana aysan jirin wax shuruud ah.
“Waxaan u hambalyaynayaa Xildhibaanada Labada aqal Golaha shacabka ee Soomaliya iyo aqalka Sare oo Soomaliya u go’aamiyay in ay yeelato Hogaan cusub, waxaa sidoo kale u mahadcelinayaa Madaxweynihii Hore ee Soomaliya Xasan Shiikh maxamuud oo soomaliya keenay meel wanaagsan, hambalyo ayaan leeyahay Madaxweyne Farmaajo,waxaan balan qaadayaa in si shuruud la’aan aan kula shaqeeyo madaxweynaha cusub ee Soomaliya”, ayuu yiri Madaxweynihii Hore ee dowladii KMG aheyd ee Soomaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

