Dadka dalka Kenya oo cod laga qaaday ayaa intooda badan waxa ay doonayaan In Ciidamadooda kamid-ka ah Howlgalka Midowga Afrika AMISOM ee Soomaliya ku sugan in laga saaro islamarkaana la geeyo xuduuda Soomaliya iyo Kenya ay wadaagaan.
Baadhitaanka la sameeyay ayaa muujiyay, in boqolkiiba 63% dadka dalka Kenya ay doonayaan in Ciidamada KDF in laga saaro Soomaliya , halka boqolkiiba 37% ka harsan ay doonayaan ciidamada in ay sii joogaan iyo in ay sii wadaan dagaalka Xarakada al Shabaab.
Ra’yiururinta waaxda baaritaanda ee idaacadda Radio Africa ayaa sidoo kale soo jeedinaya in boqolkiiba 80 dadka reer Kenya ma aha kuwo Rumaysan tirooyinka dowladda ee khasaare KDF ee Kulbiyow, Soomaaliya.
Ra aruurun laga sameeyay 16-deegaan oo ka tirsan dalka Kenya ayay sidoo kale dadka Kenyaan waxa ay ku dalbadeen in Xukuumadda Kenya ay runta ka sheegto tirade Dhimashada askarta Kenya weerarkii deegaanada ceel-cadde iyo Kulbiyow ee Gobolada Gedo iyo Jubada Hoose kuwaasi oo dhacay sanadkii dhacay iyo sanadkaan cusub.

