Al-shabaab:-“ Hagafeey Waxa uu ahaa Sarkaal Dowladda Soomaliya Ka Tirsanaa”,

0

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda weeraro qorshaysan oo maanta ka dhacay degmooyin ka Tirsan Gobolka Banaadir.

Warar lagu baahiyay baraha Al-shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalyahano ka Tirsan Xarakada Al-shabaab ay fuliyeen weerar qorshaysan oo lagu dhaawacay Taliye ku-xigeenkii Hore ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed ee NISA Xasan Dheere islamarkaana ujeedka uu ahaa in weerar lagu qaarijo sarkaalka.

Dhanka kale Al-shabaab waxa ay sheegeen in weerar qorshaysan ay fuliyeen ciidamo aad u hubeysan oo shabaab ka Tirsan in lagu dilay Max’med Cumar Hagafeey oo ahaan jiray Afhayeenkii hore ee maamulka Ximan iyo Xeeb Ahaana sarkaal wada shaqeyn lalahaa dowladda Federaalka Soomaliya sida shabaab hadalka u dhigeen.

Ilaa haatan ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Dowladda Soomaliya oo loogu hadlaayo weerarka maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here