Madaxweyne Farmaajo oo Loogu Digay in Raisulwasaaraha Cusub Kusoo Xulo Saaxiibtinimo

0

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Shariif Xasan Shiikh aadan oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Baydhabo ee Maamulkaas ayaa baaq ku adan soo magacaabida Raisulwasaaraha Cusub ee Soomaliya waxa uu usoo diray madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo.

Shariif Xasan shiikh aadan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya waxa uu Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ka codsaday inuu iska ilaaliyo in Ra’isul wasaaraha uu soo magacaabi doono kusoo xulo saaxiibtinimo waxa uuna ku baaqay inay mudan tahay in la kala saaro saaxiibtinimada iyo howsha Qaran.

Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu soo magacaabo Raisulwasaaraha Cusub ee Soomaliya markuu xafiiskiisa la wareego, waxaa jiro shaqsiyaad loo sadaalinaayo xilka Raisulwasaaraha Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here