Degmo Ku Taala Soomaliya oo ay Ku Nool Yihiin 7-qoys, Dhulka iyo Hawadana Go’doon Ka ah+Dhageyso

0

Maamulka Degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada muqdisho ayaa sheegay in degmada ay ku noolyihiin 7-qoys islamarkaana Ceelbuur ay dhulka iyo hawada ay go’doon ka tahay.

Gudoomiyaha Degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud Nuur Xasan Guutaale oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dadkii ku nool degmada ay ka qaxeeb cabsi ay ka muujiyeen weerarada Al-shabaab ay ku qaadaan degmada.

“Degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud waxaa ku nool 7-qoys oo kaliyah, degmooyinka kale go’doon iyadoo la saaray ayaa hadana wax la gaarsiiyaa balse degmada Ceel-buur dhulka iyo hawada ay go’doon ka tahay”, ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud Nuur Xasan Guutaale.

Dhanka kale Gudoomiyaha Degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud Nuur Xasan Guutaale ayaa ka codsaday dowlada Cusub ee Soomaliya ee uu hogaamiye Maxamed C/laahi Farmaajo in uu ka shaqeeyo sidii degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud loogu qaadi lahaa Go’doonka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here