Ciidamo Ajnabi ah oo La Dalbaday in La Geeyo Magaalada Gaalkacyo+Dhageyso

0

Waxgaradka Gobolka Mudug ayaa codsi u jeediyay Dowladda Dhexe ee Soomaliya oo ku aadan in Ciidamo ajnabi ah la geeyo Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolkaas si ay wax kaga qabtaan wadooyinka Magaalada ee xiran.

Nabadoon Aloore oo kamid ah waxgaradka Gobolka Mudug oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in haatan loo baahan yahay in Ciidamo ajnabi ah la geeyo Magaalada gaalkacyo ee Gobolka Mudug, si ay wax kaga qabtaan wadooyinka Magaalada ee xiran oo Ciidamo ay soo kala dhoobeen Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Sidoo kale Nabadoon Aloore oo kamid ah waxgaradka Gobolka Mudug ayaa ugu baaqay maamulada Puntlnd iyo Galmudug iyo u naxaan Shacabka Magaalada Gaalkacyo oo la dhibaatoonaya dagaalada kusoo laablaabatay magaalada.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here