Police-ka dalka Kenya aya sheegay in lacag dhan 140,000 oo dollar ay siin doonaan qof waliba oo xog ku aadan Todobo katirsan Xarakada al shabaab soo wariya kuwaa oo loo heysto in dhowr jeer oo hore weeraro ka’geysteen deegaano dhaca waqooyi bari dalka Kenya gaar ahaan xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.
General Joseph Boinett oo kamid ah saraakiisha sar sare ciidamada police-ka dalka Kenya ayaa sidoo kale waxa uu qeybiyay sawirada raggan oo kala ah abduqadir xareed maxamed, cabdullahi isaaq diyat oo loo yaqaano Ubeyd, idiris ismacil isaq, Mohamed yousuf oo loo yaqaano Abu Ali, ahmed maalin Bashiir, shariif sheikh arab iyo waliba Ahmed mahat Mohamed kuwaa oo dowlada Kenya ay ku sheegtay in ay yihiin kuwo halis ku ah dalkooda waxaana ay sheegeyn in raggani ay yihiin kuwa hubeysan oo tababar iyo hub intaba ka hela Xarakada Al shabaab.
Joseph Boinet ayaa sidoo kale waxa uu xusay in ay dadaalo xoogan ay ku bixiyeen sidii ay u aqoon san lahaayeen qaar kamid ah dagaalyanahada Xarakada aAl shaab ee wararka ku soo qaaday gudaha dalkaasi kuwaa oo sheegay in ay dilaan dad aan waxba galabsan isagoo xusay in hantida dadka kenyatiga ahna in ay burburiyaan.
Mid kasta oo kamid ah raggan dowlada Kenya ay dooneyso ayuu sheegay in 20,000 oo dollar in ay dul saarantahay iyadoo la’siin doono cidii bixisa xog muhiim ah oo ku saabsan halka ay ku sugan yihiin.
Todabadan shaqsi ee dowlada Kenya lacagahani dul dhigtay ayaa waxa ay sheegeyn in ay aamin sanyihiin in ay ka dhex shaqeeyaan xadka soomaaliya iyo Kenya kuwaa oo dhowr jeer oo hore magalada mandera weeraro xoogan ku soo qaaday.

