Maamulka koonfurgalbeed ee Gobalka Sshabelada hoose ayaa ka codsaday dowlada Cusub ee uu hogaaminayo Mmadaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo in ay dib u furto garoonka diyaaradaha lanbar 50 ee Gobalkasi.
Gudoomiyaha Degaanka lambar 50-tan C/laahi Waafow oo wareysi siiyay idaacada simba ee magaalada muqdisho ayaa ka codsaday Xukuumada Cusub ee dalka iney dib u furto Garoonka Diyaaraha lanbar 50 kaasi oo xukuumadii Xasan Sheekh ay albabada isugu dhufatay sababa amaan awgeyd.
Asigoo hadalkiisa sii wato ayuu intaas raaciyay in hadii Xukuumadda Cusub ee Farmaajo ay dib u furto Garoonka diyaarada degaanka lambar 50 ee Gobolka Shabeelaha Hoose amni ahaantiisa ay damaanad qaadi waayaan.
Garoonka diyaaradaha lambar 50 tan ee Gobalka Sshabeelada Hoose ayaa mudooyinkii danbe ahaa mid aan shaqeyneenin sababa amandaro awgeyd Maadama laga cabsi qabay in dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ay halkaa kala soo dagaaan hub iyo sanad Militari intaba.

