Dowladda Koonfur Afrika oo Sheegtay in Si Dhow ula Shaqeyn Doonto Madaxweyne Farmaajo

0

Madaxweynaha Dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa hambalyo diiran usoo diray Madaxweynaha cusub ee la doortay ee Soomaliya Mudane C/laahi Farmaajo kadib doorasho ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta Twitter-ka ee Wasaaradda arrimaha dibadda iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Koonfur Afrika ayaa lagu sheegay in Dowladda Koofur Afrika ay u hambalyeyneyso Madaxweynaha cusub ee Somaliya Maxamed C/llahi Farmaajo iyo dhamaan shacabka Somaliyed.

Sidoo kale warka kasoo baxay Dowladda Koonfur Afrika ayaa lagu sheegay in si ka madax banaan musuq-maasuq ay ka dhacday doorashadii arbacadii ka dhacday Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya taasi oo ku guuleystay Mudane C/laahi farmaajo Raisulwasaarihii Hore ee Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here