Wararka ka imaanaya degmada bardaale ee gobolka bay ayaa sheegay in dhaawac maanta uu soo gaaray gudoomiyaha degmada bardaale Weydoow Cali Xasan.
Gudoomiyaha iyo sidoo kale qaar kamid ah ilaaladiisa ayaa la sheegay in shil gaari ay ku galeen wadada dheer ee xariirisa magaalad abaydhabo iyos dioo kale degmada bardaale.
Gudoomiye ku xigeenka degmada bardaale Cali cadoow isaaq ayaa sheegay in haatan xaalada caafimaad ee gudoomiyaha lala tacaalayo islamarkaana haatan uu wanaagsan yahay.

