Bulshada ku dhaqan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug oo labo dhinac loo kala qeybiyay ayaa bilaabay kadib markii Mdaxweynaha Soomaliya loo doortay Maxamed C/laahi Farmaajo in dib la iskugu furo Magaalada oo kala xirneed muddo badan.
Dad-weyne aad u fara badan oo labada dhinac ah ayaa gacmaha is-qabsaday ,waxaana ay si wada jir ah taageeradooda ugu muujiyeen qaybaha ay ka kooban-tahay magaalada , iyadoo dhamaan la bur-buriyay dhagaxaantii ay Gaas iyo Guuleed kala dhex-dhigeen labada Bulsho.
Qaar kamid ah dadkii ka qeyb qaatay in dib la iskugu furo Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in Madaxweyn ayaasha maamulka Puntland iyo Galmudug C/wali maxamed Cali Gaas iyo C/kariin Xuseen Guuleed ay ka shaqeeyeen sidii la iskaga hor keeni lahaa bulshada Gobolka ku nool maxayna sheegeen in ay marnaba ogolaan doonin in la iska horkeeno.
Mid kamid ah saalaadiinta gobolka Mudug oo lagu maagacabo Suldaan C/salaam oo kamid ah waxgaradka Puntland ayaa madaxweynaha cusub ee Soomaliya Maxamed C/laahi farmaajo ugu baaqay in uu ka fogaado nin jeclaysi inta uu joogo xafiiska ,isaga oo ka digay in kooxo gaar ah uu talada dalka gacanta u galiyo.

