Magaalada Muqdisho ee Caaismada Soomaliya waxaa maanta ka dhacaya Doorashada Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya afarta sano ee soo socota.
Doorashada ayaa ka dhacaysa xarunta Afasiyooni ee Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir, amaanka Magaalada Muqdisho iyo Xarunta ay ka dhacayso doorashada ayaa si weyn loo adkeeyay Ciidamo kala duwan ayaa ku sugan xarunta.
Doorashada Madaxweynaha Soomaliya waxaaa markii hore isku diiwaan galiyay 24-musharax oo kala Sheekh Shariif Sheekh Axmed 2. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke. 3. Cabdiqaadir Cosoble Cali. 4. Maxamuud Maxamed Culusow. 5. Maxamuud Axmed Nuur Tarsan. 6. C/naasir Cabdulle Maxamed. 7. Bashiir Raagge Shiiraar 8. Maxamed Cali Ameeriko 9. Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole. 10. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. 11. Saciid Cabdullahi Dani 12. Cabdiraxmaan Cabdishukuur Warsame. 13. Jibriil Ibraahim Cabdulle. 14. Saciid Ciise Maxamuud. 15. Cali Xaaji Warsame16. Xasan Sheekh Maxamuud.17. Maxamed Cabdirisaaq.18. C/llaahi Cali maxamed (Cadow Cali gees)19. C/llaahi Ciilmooge Xersi.20. Xaaji Maxamed Yaasiin.21. Axmed Maxamed Cabdi.22. Zakariye Maxamed Xaaji Cabdi.23. C/llaahi Cali Xasan. 24. Maxamed cali Jabarti.
Balse waxaa tanasulay Xubnaha kala ah Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole. Madaxweynihii Hore ee Maamulka Puntland, ENG C/llaahi Cali Xasan oo ku sugan Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka waxayna xubnaas ay sheegeen in ay fiiriyeen danta dalka iyo dadka.
Guud ahaan Doorashada madaxweynaha Soomaliya
1. Tirada 2da Aqalo (275+54) = 329
2. (22 Musharaxiinta iyo min 1 Kaaliye) = 44
3. Suxifiyiin Gudaha & Dibada= = 80
4. Goob joogayaasha Caalamiga = 80
5. Guddiga Anshaxa Doorashada = 10
6. Saraakiisha Amniga Gudaha = 48
—————————————————
Total: 595

