Guddiga Doorashada Madaxweynaha oo Beeniyay in Faragalin Lagu Hayo Doorashada+Dhageyso

0

Guddiga Qaban-qaabada Doorashada Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in Wadamada Dariska inay Faragalin ku hayaan Siyaasada Doorashada Soomaaliya.

Xildhibaan Xuseen shiikh Maxamuud oo kamid ah Guddiga qaban-qaabada Doorashada Madaxweynaha Soomaliya islamarkaana ka yimid dhanka aqalka sare oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in aysan xiligaan jirin faragalin lagu hayo doorshada Madaxweynaha Soomaliya.

“Ka guddi ahaan anaga ma arakno wax faragalin la dhaho oo wadamada shisheeye ay ku hayaan doorashada Madaxweynaha Soomaliya, xildhibaanada bulshooyinka kala duwan matalaya ayaga  ayaa laga rabaa in ay doortaan madaxweyne dalkaan ka samata bixin kara dhibaatada”, ayuu yiri Xildhibaan Xuseen shiikh Mxamuud.

8-da bishaan February ayaa lagu wadaa in ay dhacdo doorashada madaxweynaha Cusub ee Soomaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here