AMISOM oo La Sheegay In Aan Lagu Aamini Karin Amniga Doorashada+Dhageyso

0

Korneel C/nuur Jaamac oo kamid ahaa Saraakiishii Hore ee Ciidamada Malatariga Soomaliyeed oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada Midowga Afrika AMISOM aan lagu aamini Karin Sugida amniga goobta ay ka dhacayso doorashada Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya.

Waxa uu sheegay in Ciidamada Midowga Afrika AMISOM aysan aqoon sidaas u weyn u laheyn shacabka Soomaliyeed iyo Madaxdooda islamarkaana ay aad ugu adkaan doonto in ay si wanaagsan u xaqiijiyaan Sugida amniga goobta ay ka dhacayso doorashada Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya.

“Waxaa ayaan daro ah in Ciidamada Soomaliyeed ee aqoonta u leh dalkooda in laga door bidp askari dal shisheeye ka yimid  oo aan aqoon badan u laheyn shacabka Soomaliyeed iyo madaxda.AMISOM hadii lagu aamino sugida amniga goobta doorashada Madaxweynaha,wax badan ayaa halaabi karo”, ayuu yiri Korneel C/nuur Jaamac.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here