Guddiga Doorashada Madaxweynaha oo Shaaciyay Halka Lagu Qabanayo Doorashada+Dhageyso

0

Gudoomiyaha Guddiga Qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha Soomaliya Dr C/raxmaan Ducaale Beyle  oo la hadlay Laanta Afka Soomaliga ee VOA-da ayaa sheegay in ay soo gaareen codsiyo ka yimid 18-musharax oo u taagan Xilka Madaxweynaha Soomaliya oo ku aadan in goobta doorashada Madaxweynaha laga badalo xarunta iskuul buluusiya Ciidamada Booliska Soomaliyeed, islamarkaana loo badalo goob kale.

Dr C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in la isku afgartay In lagu qabto Doorashada madaxweynaha Soomaliya dhismo ku yaalla inta u dhaxeysa Garoonka Diyaaradaha iyo xarunta Afisyooni ee Muqdisho, sidaasna ay ku qanacsan yihiin musharixiinta dalbaday in doorashada Madaxweynaha laga wareejiyo xarunta iskuul buluusiya.

Xubnaha Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaliya ayaa tilmaamay In  xarunta Akademiyada Booliiska Soomaaliyeed ee Iskool Buluusiya ay tahay mid aan la isku aamini karin amaankeeda islamarkaana xiligaan ay hobaan tahay in doorashada madaxweynaha Soomaliya lagu qabto meel lagu kasoon karo.

Xubnaha Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaliya ayaan kalsooni badan ku qabin xarunta Iskool Buluusiya, waxa ayna tilmaameen in Taliyaha booliiska iyo Taliyaasha kale ee Ciidanka aysan dhax dhaxaad ka aheyn Doorashada Madaxweynah ayna u ololeenayaan Musharax gaar ah sida Madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh maxamuud.

Dhanka kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in Guddoonka Golaha Shacabka iyo aqalka Sare ay isku raaceen in doorashada madaxweynaha Soomaliya lagu qabto xeradii Ciidamada cirka  Soomaliyeed ee Afisyoone ee Garoonka Diyaaradaha.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here