Gudoomiyaha Xarakada Al-shabaab ee Gobolka Banaadir Sheekh Cali Maxamed Xuseen oo la hadlay warbaahinta Al-shabaab ayaa ku hanjabay in Al-shabaab ay sii kordhin doonaan dagaalada iyo qaraxyada ay ka wadaan Magaalada Muqdisho.
Sheekh Cali Maxamed Xuseen Gudoomiyaha Xarakada Al-shabaab ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in dagaaladii ugu dambeeyay iyo qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho in lagu laayay askar badan oo ka tirsan Dowladda Soomaliya iyo AMISOM islamarkaana ay sii kordhin doonaan weeraradaas ay geystaan.
“Meel kasta oo maanta Muslim uu joogo cadaadis ayuu la kulmayaa hadey tahay duullaan maskaxeed,waxbarasho iyo mid milatari,Maamulka Gobolka banaadir ee Al-shabaab waxa ay lamid tahay dhulkaasi lagu duulay”ayuu yiri Shiikh Cali jabal mar uu ka hadlayay xaalada Muqdisho.
Sidoo kale Gudoomiyaha Xarakada Al-shabaab ee Gobolka Banaadir Sheekh Cali Maxamed Xuseen ayaa sheegay in sababaha ay u weeraraan goobaha Hoteelada ee ku yaala Magaalada Muqdisho ay tahay mid lagu ciribrirayo Dowladda Soomaliya iyo wadamada Taageera waxa uuna Sheegay in ay sii kordhin doonaan weerarada gawaarida loo adeegsado ee Muqdisho ka dhaca.

