Inta la xaqiijiyay 10-ruux oo isugu jirey dad shacab ahaa iyo askar ka tirsan Dowladda Soomaliya ayaa ku dhintay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee saakay lagu qaaday hoteelka Dayax ee ku yaala kasoo horjeedka Hoteelka Wehliye ee magaalada Muqdisho.
Weerarkii koowaad ahaa mid loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay ilinka Hore ee Hoteelka Dayax oo kasoo horjeedka Hoteelka Wehliye ee magaalada Muqdisho.
Intaas kadib waxaa gudaha hoteelka galay dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo gudaha hoteelka ka bilaabay rasaas aad u xoogan inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn qasaaraha ka dhashay gudaha Hoteelka.
Daqiiqado kadib waxaa qarax labaad uu ka dhacay banaanka Hore ee hoteelka Dayax ee ku yaala kasoo horjeedka Hoteelka Wehliye ee magaalada Muqdisho, Kadib markii dagaalyahanada gudaha hoteelka galay ay banaanka kaga tageen gaariga kuwa raaxadda ah oo loo yaqaano NOHA.
Qaraxa Labaad ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dad shacab ahaa oo kusoo dhawaaday hoteelka Dayax, laamaha amaanka dowladda Soomaliya ayaa sheegay in qaraxa Labaad gaari lagu soo xiray baaritaano lagu hayay intuusan qarxin ka hor.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya hoteelka Dayax ee ku yaala kasoo horjeedka Hoteelka Wehliye ee magaalada Muqdisho, ayaa ku waramaya in dagaalyahanadii gudaha hoteelka galay in la toogtay.
Saraakiil ka Tirsan Dowladda Soomaliya, iyo wasiiro ayaa gaaray Hoteelka Dayax.
Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada weerarka hoteelka Dayax.






