Maamulka Degmada Afgooye Gobolka Shabeelaha Hoose ee dowladda Soomaliya ayaa waxa uu ka hadlay waxa soo celceliyay weerarada Xarakada Al-shabaab ay ku qaadaan Degmadaas.
Cumar Maxamed Cabdule(Carabey) oo ah Gudoomiye ku-xigeenka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in sababaha ay Al-shabaab ay usoo weerarayaan Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose ay tahay in ay doonayaan in ay ka dhigtaan marin islamarkaana ay ka weereen meelo kale oo ka tirsan Gobolada Shabeelaha Hoose iyo Banaadir.
Dhowrkii bilood aynu soo dhaafnay dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose, kii shalay ay ku qaadeen waxaa wax ku noqday 8-ruux oo isugu jiray raga dagaalamay iyo dadka shacab ah.

