Muwaadin Soomaaliyeed oo Fal Dil ah Lagu Eedeeyay oo Lagu Xiray Dalka Kenya

0

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay in uu yahay burcad isla markaana dil  u geystay hal ruux  oo ganacsada ah ayaa ciidamada magaalada mwingi ay sheegeyn baaritaano kadib in ay gacanta ku soo dhigeen

Nin ganacsada ah oo lagu magacaabo Kilungu Misyili ayaa la sheegay in muwaadinkan soomaaliyeed uu dhac u geystay xili uu ku sugnaa gurigiisa oo ku yaala deegaanka sosoma abaara lixdii habeenimo kadibna la toogtay .

Elizabeth Kyalo oo aheyd haweeney kamid ah dadka  deriska la’ahaa ninka la’dilay ayaa sheegtay in ay maqashay dhawaqa rasaas lagu ridayo guriga misyili kadib ay soo toostay.

Waxa ay xustay  in iyada iyo caruurteeda  gurigooda ay kabaxsadeen cabsi soo wajahday aawadeed.

18- saac kadib ayeey sheegtay in ciidanka booliiska magaalada ay goobta soo gaareen kadibna isbitaalka ay u qaadeen ninka deriskooda ahaa ee la’toogtay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here