Xili ay soo baxeyn warar ku aadan in lagu takri falo nidaamka Maaliyadeed Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaliya islamarkaana aan shaqaalaha dowladda aysan helin wax mushaar ah ayaa waxaa arintaas ka hadlay Xisaabiyaha Guud ee Dowadda Federaalka Soomaliya.
Xisaabiyaha Guud ee Dowadda Soomaliya Mudane Axmed yuusuf Muumin oo la hadlay TV-ga Universal ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in la xaliyay tabashooyinkii ka jiray daqliga dowladda Soomaliya islamarkaana laga wareejiyay gacanta agaasimaha Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaliya oo markii hore ay ku dhici jirtay.
Sidoo kale Xisaabiyaha Guud ee Dowadda Soomaliya Mudane Axmed yuusf Muumin ayaa tilmaamay nidaamka Maaliyada dalka oo la adkeeyay awgeed inaysan suuragal aheyn in lagu takrifalo hantida Qaranka, gaar ahaan Mushaarka Shaqaalaha, inkastoo hada bilooyin dhowr ah Shaqaalaha rayidka ee Dowladda iyo ciidankaba ay ka maqan yihiin Mushaaraadka.