Xildhibaanada Golaha shacabka baarlamanka Federaalka Soomaliya ayaa goordhaweyd ansixiyay in 50% laga jaro Lacagaha diiwan galinta ee laga qaadayo musharixiinta Madaxweynaha Soomaliya ee sanadkaan tartamaya islamarkaana loogu gurmado dadka Abaaraha ay saameeyeen ee ku nool Gobolada dalka Soomaliya.
Kulanka oo haatan ka socda xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho waxaa kala hogaaminaya guddoomiyaha gollaha shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaliya Prof Max’ed Shiikh Cismaan Jawaari iyo guddoomiyaha xubnaha Aqalka sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Kulanka maanta waxaa goob joog ka ah 226-xildhibaan oo isuga jira Golaha Shacabka iyo Xubnaha aqalka Sare.
Xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran oo waqtigooda uu dhamaaday ayaa waxa ay soo jeedinayaan dhawaan in shuruudo hor leh lagu xiro xubnaha Musharaxiinta ee u tartamaya xilka Madaxweynaha, waxaana shuruudahaas ka mid ah in Musharax walba uu bixiyo lacag dhan $30,000 (Soddon kun oo dollar) sidoo kale la yimaado 20 Xildhibaan taageersan Musharaxnimadiisa.

