Xildhibaan Abdi Xaashi Cabdullahi oo kasoo jeeda Gobolada Woqooyi ee Maamulka Somali-land ayaa goordhaweyd ku guuleystay Xilka Gudoomiyaha Aqalka Sare ee dalka kadib markii uu tartan la galay Mustaf maxamed Qodax.
Abdi Xaashi Cabdullahi ayaa helay 43-cod, halka Xoghayihii Hore ee Xisbiga Wadani ee Maamulka Somali-land Mustaf maxamed Qodax uu helay codod gaaraya 9-cod.
Guddiga Doorashada Aqalka Sare ee dalka ayaa sidaas ku cadeeyay in Xildhibaan Abdi Xaashi Cabdullahi uu yahay Gudoomiyaha Aqalka Sare ee dalka.
Xildhibaan Cabdi Xaashi C/laahi,waxaa uu horay u ahaa Guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta Baarlamaankii 9aad,waxaana uu hadda ku guuleystay Aqalka Sare.

