War Deg Deg:-Abshir Bukhari oo Ku Guuleystay Gudoomiye Ku-xigeenka Kowaad Aqalka Sare

0

Xildhibaan Abshir Maxamed Maxamuud (Bukhari ) ayaa goordhaweyd ku guuleystay Xilka Gudoomiye ku-xigeenka kowaad ee  Aqalka Sare ee dalka, kadib markii uu wareega Saddexaad  kaga adkaaday Cabdi Axmed Dhuxuloow Dhagdheer, oo ay wada tartameen.

Xildhibaan Cabdirisaaq Cusmaan Cali(Jurile) oo helay 6-cod ayaa tanasulay inta aan loo gudbin wareega Labaad, waxaa wareega Labaad usoo gudbay xubnaha kala  ah Cabdi Axmed Dhuxuloow Dhagdheer, Maxamuud Axmed Mashruuc, iyo Abshir Maxamed Maxamuud.

Wareega Labaad markii la guda galay waxaa ku haray Maxamuud Axmed Mashruuc, waxaa sidaas wareega sedexaad ugu soo gudbay Musharixiinta kala ah Abshir Maxamed Maxamuud(Bukhari ) iyo Cabdi Axmed Dhuxuloow Dhagdheer.

Labada Musharax ayaa ku kala baxay wareega Seddexaad madaama ay noqdeen labadii Shaqsi ee isugu soo haray wareegii ugu dambeeyay ee doorashada Gudoomiye ku-xigeenka kowaad ee  Aqalka Sare.

Xildhibaan Abshir Maxamed Maxamuud   oo  helay codod gaaraya 30-cod, Cabdi Axmed Dhuxuloow Dhagdheer ayaa isna helay codod gaaraya 22-cod.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here