Al-shabaab oo Sheegtay Dilka Taliyihii Booliska Gobolka Shabeelaha Dhexe

0

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada dilka Taliyihii Ciidamada Booliska Maamulka Shabeelaha dhexe ee Hir-shabeelle Ala Ha U Naxariistee Col. Khaliif Cabdulle Carfaaye iyo askari ilaalo u ahaa oo u dhintay dhaawac soo gaaray.

Col. Khaliif Cabdulle Carfaaye Taliyihii Booliska Maamulka Shabeelaha dhexe ee  Hir-shabeelle iyo askariga dhintay ayaa waxaa gaaray dhaawac culus kadib markii bambo gacmeed lagu tuuray hoyga Taliyaha oo ku yaala meel aan sidaas ugu fogeyn Saldhiga Ciidamada Booliska Degmada Jowharee Gobolkaas.

Al-shabaab waxa ay sheegeen in Taliyaha la dilay Col. Khaliif Cabdulle Carfaaye  uu dhibaatooyinka ku hayay shacabka Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe waa sida ay hadalka u dhigeen iyagoo tilmaamay in rag ka tirsan Al-shabaab in ay fuliyeen weerarka lagu qaarijiyay Taliyaha iyo Askariga ilaalada u ahaa.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here