Akhriso:-Doorashada Guddoonka Xubnaha Aqalka Sare oo Maanta Dhacaysa

0

Xarunta Xubnaha aqalka Sare oo ku taala Degmada Shibis waxaa maanta ka dhacaysa doorashada Guddoonka aqalka Sare, kadib markii dhawaan ay Guddiga qaban-qaabada doorashada ay shaaciyeen in 22-ka bishaan la qaban doono doorashada.

Ku dhawaad 16 Musharax oo ka tirsan Xubnaha aqalka Sare ayaa  lagu wadaa in ay jeediyaan Khudbadahooda Musharaxnimo ee Tartanka Guddoonka Aqalka Sare ee dalka, waxaa ku jira xubnaha dad siyaasadda aad loogu yaqaano.

Lix iyo Tobanka Musharax ee u taagan qabashada Xilka Guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya 7 ka mid ah waxa ay u tartamayaan Xilka Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad, halka 2 ka mid ah ay u tartamayaan Xilka Guddoomiyaha Aqalka Sare, 7 kalena waxa ay u tartamayaan Xilka Guddoomiye Ku Xigeenka labaad.

Amaanka wadooyinka gala xarunta ayaa si weyn loo adkeeyay.

Halkaan ka Akhriso Magacyada Musharaxiinta u taagan xilalka kala duwan ee Guddoonka Aqalka Sare.

Musharaxiinta Guddoomiyaha Aqalka Sare.

  1. Abdi Xaashi Cabdullahi.
  2. Mustaf maxamed Qodax

Musharaxiinta Guddoomiye ku xigeenka koowaad.

  1. Xasan Faarax Xujaale.
  2. Axmed Xaashi Maxamuud
  3. Cabdiwaaxid Cilmi cumar.
  4. Abshir Maxamed Maxamuud.
  5. Cabdi Axmed Dhuxulow.
  6. Maxamuud Axmed Maxamuud.
  7. Cabdirisaaq Cusmaan Cali.

Musharaxiinta Guddoomiye ku xigeenka Labaad.

  1. Hodan Maxamuud Cusmaan.
  2. Osmaan Axmed Maxcow.
  3. Iftiin Xasan Baasto.
  4. fartuun Cabdulqaadir Faarax.
  5. Sacdiyo Xasan Cusmaan
  6. Mowliid Xuseen Guuleed

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here