Agaasimaha TV-ga Universal ee Bariga iyo Bartamaha Africa C/laahi Kulmiye oo la hadlay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay Xariga Magaalada Hargeysa ee caasimada Maamulka Somali-land loogu geystay Majaajilistaha Weyn ee Cabdi Muriidi Dheere(Ajakis) oo ka mid ah Howldeeda Universal.
Agaasime C/laahi Kulmiye ayaa ugu baaqay Madaxda Soomaali-land in Xoriyadiisa la siiyo Majaajilayste Ajakis oo xili uu ku guda jiray Safar Shaqo oo uu ku tagay Magaalada Hargeysa ay Xabsiga dhigeen Ciidamada Hay’ada Nabad Sugida Maamulka Soomaaliland, waxa uuna intaa hadalkiis ku daray Mas’uuliyiinta Soomaali-land oo Xiriir ay la sameeyey ay Sheegeen Su’aalo ay Weydiinayaa Majaajilayste Ajakis.

