Galmudug “Abaarta Waxaa Noogu Daran Al-shabaab,Puntland iyo Maamulka Soomaalida Itoobiya”+Dhageyso

0

Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha Galmudug Maxamed Nuur oo waramay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa Maamulada Puntland iyo Dowlada Deegaanka Soomaalida Itoobiyo iyo dagaalyahanada Al-shabaab waxa uu ku eedeeyey inay go’doomiyeen Deegaano badan oo ka tiran Maamulka Galmudug kuwaasi Abaartu ay  Saameyn Xoogan ku yeelatay waxa uuna xusay Arintaas ay Caqabad noqotay Howlaha Guddiga Gurmadka Abaarta Galmudug oo Al-shabaab iyo Puntland ay hor istaageen kormeer ay ku sameyn la haayeen deegaano dhaca Gobalada Mudug iyo Galgaduud

Wasiirku Xigeenka ayaa Guddiga Heer Qaran ee Gurmada Abaarta ku Dhaliilay inaysan bixin Dhaqaalihii lagu taligay Deegaanada Maamulka Galmudug oo Wajahaya Xalaada aad u adag Taasi oo uu ku tilmaamay mid dhabar Jab ku ah in la badbaadiyo dadka Abaartu ay Xoolohoodi galaafatay oo Xiligaan dhimashadoodu ay bilaabatay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here