Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Generaal Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) haatana ah Taliyaha Hogaanka howlaha Booliska Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay dowladda Soomaliya in ay mas’uuliyad iska saarto sugida amniga Hoteelada ku yaala Magaalada muqdisho.
Generaal cali Xirsi barre (Gaab) oo xalay ka qeyb galay Munaasabad dib loogu furayay mid kamid ah Hoteelada muqdisho oo weerar lagu qaaday saameyn ku yeeshay ayaa sheegay in dowladda loogu baahan In ay xil iska saarto sugida amniga Hoteelada, oo Al-shabaab dhowr jeer oo hore weeraro ay ku qaadeen.
Sidoo kale Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Generaal cali Xirsi barre (Gaab) ayaa tilmaamay in Ciidamada Booliska Soomaliyeed ay xili walba diyaar u yihiin sugida amniga, balse dowladda loogu baahan in ay kaalin weyn ka qaadato sugida amniga Hoteelada ku yaala Magaalada Muqdsho.
Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore weeraro qasaaro badan dhaliyay ku qaaday Hoteelo ku yaala Magaalada Muqdisho, waxa ay sheegeen in hoteeladaas ay degan yihiin Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaliya iyo beesha Calamka.

