Xildhibaanada Galmudug Oo Codsi u Diray Taliyaha Ciidamada Amisom+Dhageyso

0

Xildhibaan Duraan Cali Jaamac oo kamid ah Baarlamaanka Maamulka  Galmudug oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa ka codsaday Taliyaha Ciidamada Amisom ee Soomaliya Jeneraal Cusmaan Nuur Subagle in uu u sameeyo Ciidamo ilaaliya Amnigooda.

Duraan Cali Jaamac ayaa sheegay in ay la kulmeen Taliyaha Ciidamada Amisom ee Soomaliya Jeneraal Cusmaan Nuur Subagle iyo Saraakiil ka Tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyed   oo shalay gaaray Magaalada Cadaado ee Caasimada KMG ee Maamulka Galmudug islamarkaana ay jawaab ka sugayaan maalmaha soo socda.

Dhanka kale Xildhibaan Duraan Cali Jaamac oo kamid Baarlamanka Maamulka Galmudug  ayaa beeniyay in ay kala hadleen Taliyaha Ciidamada Amisom ee Soomaliya Jeneraal Cusmaan Nuur Subagle iyo saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed arrimaha siyaasadda Galmudug iyo xil ka qaadistii Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here