Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa si kulul u cambaareeyay kufsi wadareed loo geystay Gabar dhalinyaro ah oo kamid ah dadka deegaanka Galdogob, ee Gobolka Mudug.
Madaxweyne Gaas ayaa ku amray laamaha amaanka Maamulka Puntland in ay gacanta kusoo dhigaan dambiilayaashii geystay falka kufsiga isagoo tilmaamay in Puntland ay aad kaga xun tahay wax dhacay.
Dhanka kale wasiirka haweenka Maamulka Puntland iyo wasiirka cadaalada Puntland ayaa sheegay in cadaalada lasoo taagi doono ragii ka dambeeyay falkaan, waxayna ugu baaqeen bulshada Soomaliyeed in aysan faafinin dhacdadaan Kufsiga.
Baraha Bulshada sida Face-book iyo Yuotube ayaa xalay waxaa qabsaday arintaan kufsiga loo geystay gabadha Soomaliyeed waxaa la shaaciyay sidoo kale magacayada ragii ka dambeeyay falka.

