Dowlada Kenya oo Shaacisay Askartii Loogu Dilay Weerarkii Ceel-cadde

0

Iyadoo   hal sano ay ka soo wareegatay weerarkii Xarakada Al-shabaab ay ku qaadeen cutubyo katirsan ciidamada Kenya ee qeybta ka ah  howlgalka midowga Africa ee Amisom kuwaa oo ku sugnaa deegaanka ceel cadde  ee katirsan gobalka Gedo kaa oo dhacay  14 janaayo 2016 ayaa taliyaha ciidanka difaaca dalka Kenya George Makau  waxa uu sheegay in laqariyay tirade dhimashada ciidanka kenyatiga ee ku dhintay dagaalkaasi taa oo imika ay qirteen in 173 oo katirsan ciidamada kenyatiga lagu dilay weerarkaasi Iyada oo horay madaxweynaha dalka Kenya mar wax laga weydiiyay qasaaraha soo gaaray asgartaasi uu ka gaabsaday in uu ka’hadlo.

Maamuuska loo sameynayay ciidamadaasi ayaa waxaa ka’soo qeybgalay xaasaskii laga dilay raggooda iyo caruurtii ay dhaleen waxaana hadalo kala duwan halkaasi ka jeediyay qaar kamid ah madaxda kenyaatiga ee kasoo qeyb-galay xuska loo sameeyay weerarkii askartooda ay ku dhinteen.

Weerarka lagu qaaday xerada  ciidanka kenyatiga ay kaga sugnaayeen deegaanka ceel-cadde ayaa ku bilowday Qaraxyo xoogan iyo Weerar toos ah lagu weeraray Xerada Ciidamada AMISOM,Kenya ay ku lahaayeen deegaankaas.

Xarakada Al-Shabaab oo horay u  sheegtay mas’uuliyada weerarkaasi  ayaa xiligaa xusay in ay ku dileen ilaa 100 askari oo Ciidamada Kenya ka tirsan Sidoo kale waxay sheegeen in ay gacanta ku hayaan  12 askari oo ciidankaasi ka tirsanaa waxeyna 10-kii april 2016-kii soo bandhigeen filim ka hadlaya weerarkii Ceel-cade kaa oo ku baxay luuqadaha carabiga, sawaaxili iyo waliba luuqada English-ka.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here