Wararka ka imaanaya Gobolka Bakool ayaa ku waramaya in Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ay dil bareer ahaa ay u geysteen wiil iyo aabihiisa oo ku sugnaa deegaanka Garas-weyne ee Gobolkaas.
Qof kamid ah dadka deegaanka Garas-weyne ee Gobolka Bakool oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada dilay aabaha iyo wiilkiisa ay ka amar qaateen Gudoomiyaha Gobolkaas, islamarkaana ay goobka isaga dhaqaaqeen markii ay dilka geysteen.
Dhanka kale xiriiro aynu la sameenay Maamulka Gobolka Bakool way ka gaabsadeen in ay ka hadlaan arinta dilka.

