Carabey:-“Ciidamada Amisom Naceyb ayay u Qabaan Shacabka Soomaliyeed”+Dhageyso

0

Gudoomiye ku Xigeenka Gobalka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Cumar Maxamuud Cilmi Carabeey  oo la hadlay Idaacada Simba ee Magaalada ayaa Wax laga Xumaado ku Tilmaamay Dilalka iyo Falal ka Gurucan ee is soo taraya ee Ciidamada AMISOM ay u Geesanayaan Shacabka Soomaaliyeed kuwaas oo inta badan ka dhaca Gobalada Shabeellaha Hoose iyo Banaadir oo ka mid meelaha ay ku sugan yihiin Ciidamada Midowga Afrika ee Magacooda loo soo gaabiyo AMISOM.

Gudoomiye ku Xigeenka ayaa  Sheegay in Ciidamada AMISOM ay si Bareer ah ay u laayeen Dad Rayid ah oo la socday gaar nuuca ”PL” Loo yaqaano ah oo marayey Deegaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Muqdisho kana Tirsan Gobalka Shabeellaha Hoose Falkaas oo uu ku tilmaamay mid ah Naceybka Ciidamada AMISOM ay u hayeen Bulshada Soomaaliyeed.

Inta la xaqiijiyay falkii shalay ay geysteen Ciidamada Amisom waxaa ku dhintay dad kor u dhaafaya 15-ruux oo shacab ahaa, wali Amisom kama aysan hadlin falkaan, balse marar hore ayay sheegeen In baaritaano ku sameyn doonaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here