Xarunta Gaadiidka Booliska Degmada C/casiis waxaa maanta dib ugu bilaabanaya doorashada xubnaha aqalka Sare gobolada Woqooyi Somali-land ka imaanaya, kadib markii hakad la galiyay mudooyinkii dambe qilaaf jira awgii.
Maanta waxaa lagu tartamayaa ilaa 3-kursi xubnaha tartamaya ayaa u badan kuwo dhalinyaro ah oo ku cusub siyaasadda.
Kursiga kowaad waxaa ku tartami doona
Xuseen Ceelabe Faahiye
Maxamed Aadan Waaberi
Axmed Cabdi faahiye
Ayuub Ismaaciil Yuusuf.
Kursiga Labaad waxaa ku tartami doona.
Hodan Abuukar Xasan
Deeqo Xasan Xuseen
Amran cilmi fariid.
Kursiga Saddexaad waxaa ku tartami doona.
Cumar Maxamed Aadan
Nuuro Faarax Jaamac
Caasho Axmed Cabdalaah.

