Xildhibaan Muxidiin Shiiq C/laahi Sunni oo kamid ah Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaliya ee Cadaado Ku sugan ay kala kulmaan xili walba Caga-jugleyn joogto ah.
Xildhibaan Muxidiin Shiiq C/laahi Sunni waxa uu sheegay in Ciidamada dhibaatooyinka ay kala kulmayaan uu amar soo siiyay Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaliye ee NISA Jeneraal C/laahi Gaafow Maxamed, wuxuu sidoo kale sheegay in loo diiday in ay kulamo yeeshaan.
Isagoo hadalkiisa sii wata Xildhibaan Muxidiin Shiiq C/laahi Sunni ayuu ugu baaqay dowladda Dhexe ee Soomaliya in arintaan ay soo faragaliyo islamarkaana lala xisaabto C/kariin Xuseen Guulleed oo dhawaan ay kalsoonida kala laabteen.
Shalay Ciidamo ka Tirsan kuwa Nabad Sugida ee ku sugan magaalada Cadaado ayaa is hor istaag ku sameeyay kulan ay Magaaladaas, ku yeelan lahaayeen Xildhibaanadii dhawana kalsoonida kala laabtay C/kariin Xuseen Guulleed.

