Xukuumadda Washinton ee dalka mareykanka ayaa ugu digtay muwaadininiinta Mareykanka in ay u socdaalaan xuduuda Kenya ay laleedahay soomaaliya iyada oo laga baqanayo in dhulkaas ay joogaan Xarakada Al shabaab.
War ka soo baxay waaxda latalinta socdaalka dalkaasi Mareykan ayaa lagu sheegay in feejignaan dheeri ah ay muujiyaan iyada oo marwalba qatar xoogaan ay geesan karaan Al shabab taa oo horey u sheegatay mas’uuliyada weeraro ka dhacay dalka Kenya.
Deegaanada dowlada mareykanka ay xustay in muwaadiniinteeda ay ka’fogaadaan ayaa waxaa kamid ah Magaalada Mandera, Dagmada wajir , Gaarisa iyo waliba hareeraha wabiga tana iyo Lamu.
Warkan qoraalka ah ee kasoo baxay mareykanka ayaa sidoo kale lagu amray in aysan tagin deegaanka Malindi ee Gobalka Kilifi oo dhaca Waqooyiga dalka Kenya.
Waxaana sidoo kale safaarada mareykanka ee kanya sheegtay in Magaalo xeebeedka Mombasa ay ka booqdaan oo kale dhismooyinka qadiimiga ah waxaana walaac xoogan ay ka muujisay qaar kamid ah goobahaasi oo muwaadiinteeda loo geysan karo afduub,dhac iyo waliba dil bareer ah.

