Alla ha u naxariistee waxaa dalkan Mareykanka ku geeriyooday Dr Xuseen Maxamed Aadan oo loo yaqaanay Xuseen Tanzaaniya oo ahaa aasaasaha Ururka Caalamiga ah ee Deraasaadka Soomaalida.
Dr Xuseen Maxamed Aadan waxa uu 30-kii sanno ee u dambeeyay ka mid ahaa hormoodka aqoonyahanka Soomaalida ee dhinaca cilmi-baadhista bariga Afrika, waxaa geeridiisa ka tacsiyadeeyay qaar kamid ah aqoonyanada Soomaliyeed.

