Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya oo La Kulmay Xubno Ka Socday Beesha Caalamka+Sawirro

0

Guddoomiyha  Golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Sooomaaliyeed ayaa maanta kulan  xafiiskiisa kula qaatay  xubno ka socday Beesha Caalamka iyo qaar ka mid ah musharaxiinta u tartamaysa  xilka  madaxweynaha  ee ku midoobay Golaha musharaxiinta, iyagoo kawada hadlay arrimaha doorashada.

xubnaha ka socday Golaha musharaxiinta  u tartamaysa xilka madaxweynaha dalka ayaa  guddoomiyaha golaha shacabka u soo gudbiyey  in doorashadda  madaxweynaha loo sameeyo  habraac  daahfuran,  si looga bad-baado  musuq maasuq iyo wax si dabo marin, waxayna gudoomiye ugu hamabalyeeyeen guusha uu ka gaaray tartankii uu galay.

Sidoo kale waxey usoo gudbiyeen gudoomiyaha golaha shacabka in musharaxiintu u sinadaan adeegsiga warbaahinta qaranka  iyo in doorashadda lagu qabto meel amnigeedu sugan yahay.

Gudoomiyaha golaha shacabka iyo dhinacyada kulmay ayaana isku fahmay waxyaabihii kulanka looga hadlay

1-1-1 2-1-1 3-1-1 4-1-1 5-1-1

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here