Ururka Midowga yurub ayaa soo dhaweeyay sida ay u dhacday doorashadii Guddoonka Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaliya oo dhawaan lagu doortay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya.
Warsaxaafadeed uu soo saaray Ururka Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in ururka uu taageersan yahay hormarka ay Soomaliya gaarayso, waxuuna amaan u jeediyay dowladii waqtigeeda uu dhamaaday ee uu hogaaminaayay Madaxweyne Xasan Shikh Maxamuud.


