Qarax Xaley Ka Dhacay Magaalada Baladweyne

0

Waxaa faafaahino dheeraad ay ka soo baxayaan qarax xaley ka dahcay magaalad abaladweyne ee Gobolka Hiiraan.

Qaraxa ayaa ka dhacay sida la sheegay maqaayad ku taala Xaafada Nuur xawaad iyadoona sida la sheegay maqaayada ay fariisan jireen xiliyada qaar ciidamo ka tirsan kuwa dowladda soomaaliya.

Nin Hubeysan ayaa la sheegay in Bamgacmeed ku tuuray maqayada oo xiliga ay joogeen dad shacab ah islamarkaana qaraxa uu sababay qasaare.

Inta la xaqiijiyay Hal qof iyadoona ay ku dhaawacmeen qaraxa 2 qof oo kale dhamaana dadka wax yeelada ay soo gaartay waxa ay ahaayeen dad shacab ah.

Ciidamada dowladda soomaaliya ayaa saakay howlgalo ka wada magaalada baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here