Wararka aynu ka heleyno magaalada cadaado oo xarun Kmg u ah maamulka Galmudug ayaa ku waramaya in haatan uu socdo qorshe ay wadaan xildhibaanadi dhawaan kalsoonida kala laabtay C/kariin Xuseen Guuleed.
Waxaa shaley cadaado lagu dhawaaqay guddi ka shaqeynaya qaban qaabada Doorashada madaxweyne ay yeelaneyso Galmudug.
Xildhibaan C/qani aadan Gargaar oo kamid ah Xubnaha guddiga wado qaban qaabada ayaa idaacadda simba u sheegay in Gudigooda ay ka shaqeynayaan sida ugu dhaqsiyaha badan ee loo sameyn karo madaxweyne cusub oo Galmudug ay yeelatay madama C/kariin ay kalsoonida kala noqdeen.
Xildhibaan Gargaar ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in maalmaha soo socda ay waxyaabo badan doonayan in hirgeliyaan tusaale isaga oo u soo qaatay in wada tashiyo badan ay la sameynayaan beelaha ku bahoobay Galmudug.
Xildhibaanka ayaa tilmaamay in Guddigooda ay ka shaqeynayaan sida ay u qaban qaabi lahaayeen doorasho logu diyaar garoobayo Madaxweyne cusub oo Galmudug ay yeelaneyso.

