Wararka ka imaanaya Degmada caaduwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa ku waramaya in saakay xiisad dagaal ay ka taagan tahay Degmada caabudwaaq.
Xiisada ayaa ka dhalatay kadib marki Degmada shaley lagu dilay 6 qof kuwaa oo ku dhintay dagaal ka dahcay Degmada.
Madaxa arimaha buslahda degmada caabudwaaq Muuse Maxamed Axmed (Muuse inji) ayaa idaacadda Simba u sheegay in xiisad balaaran ay ka jirto Degmada islamarkaana maleeshiyaadki dagaalamay aan weli la kala qaadin isaga oona xusay in haatan ay soconayaan dadaalo lagu xalinayo dagaalki shaley ka dhacayd Degmada caabudwaaq.

