Mahad Cabdala Cawad ayaa goordhaweyd ku Guuleystay Xilka Gudoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya, waxa uu ka guuleystay Xildhibaan C/qadir Shiikh Cali Baqdaadi oo ay ku tartamyeen xilkaan.
Xildhibaan Mahad Cabdala Cawad oo dhawaan lagu doortay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya ayaa horey usoo noqday Gudoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamankii 9-aad ee Federaalka Soomaliya ayaa haatan mar kale xilkaa ku guuleystay.

