Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in Gudaha magaaladas lagu dilay Sargaal ka Tirsanaa laanta Canshuuraha Maamulka Galmudug ee gudaha magaladaas ku sugnaa.
Sarkaalka la dilay ayaa Magaciisa lagu sheegay Maxamed Cali Gurey wuxuu kamid ahaa Laanta Canshuuraha dowlad Goboleedka Galmudug, qeybta Magaalad Gaalkacyo ee Gobolka mudug.
Dilka Sarkaalkaan ayaa la sheegay In uu ka dambeeyay Nin Ganacsade ah oo si weyn loogu yaqaanay Magaalada Gaalkacyo, waxaa dhexmaray muran xoogan oo keenay in markii dambe la dilo Sarkaalka,
Dhanka kale waxaa la xaqiijiyay in markuu dilka geystay Ganacsadaha uu u baxsaday dhanka Woqooyi Magaalada Gaalkacyo.

