Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan waxaa maanta Tababar Ciiidan loogu soo xiray Ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida maamulka Hir-shabeelle oo mudooyinkii ugu dambeeyay tababar u socday.
Munaasabadda tababar lagu soo xirayay Ciidamadaas waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi osoble iyo xubno ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan ee dowladda Soomaliya iyo saraakiisha ciidamada Xoogga dalka Soomaliyed, kuwa AMISOM, iyo Cali jeyte Cismaan Guudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hir-shabeelle.
Ugu Horeyntii Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle Mudane Cali C/laahi Osoble ayaa sheegay in maanta laga bilaabo Ciidamadan Tababarka loo soo xiray ay ka mid noqonaya Ciidamada Maamulka Hirshabeelle islamarkana ay ku dadaali doonaan Xaquuqda ay lee yihiin waxa uuna uga digay inay ka fogaadan wax walba oo dhibaato u keenayo Maamulka Hir-shebeelle.













